Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay Shirkii Dhuusamareeb ee fashilka ku soo dhamaaday

Eng, Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland ayaa ka hadlay Shirkii wadatashiga Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho ee Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan ku dhamaaday.

Waxaa uu sheegay Feysal Cali Waraabe in la leeyahay waxaa khilaafka heshiis la’aanta ah dhaliyay ay tahay Xildhibaannada Somaliland taasina ay suurtagal aheyn qof walbana loo baahan yahay in uu tiisa ka heshiiyo.

Waxaa uu so cad u sheegay in Jabuuti,  Kilinka Shanaad, NFD, iyo Dowlado  kale ay ka heshiiyeen khilaafkii dhex yaalay si lamid ahna Somaliland Somaliland qaranimadeeda ay soo ceshaneyso sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliland xilligaan aysan kajirin colaad iyo dagaalo ayna heystaan degaan nabad ah, isaga oo ku baaqay in farriintaas laga gaarsiiyo Madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*