Home Wararka Somaliya Raisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay ka Shaqeynayaan xasilinta Soomaaliya

Raisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay ka Shaqeynayaan xasilinta Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in jabkii ay u geysteen xoogagii TPLf oo ay kula dagaalameen gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaal ee Tigreega uu xal u yahay dalalka Geeska afrika.

Sida lagu sheegay Warbixin lagu daabacay Project Syndicate Abiy Axmed ayaa sheegay in Xoogagii TPLF ay qas ku hayeen dalalka deriska la ah Itoobiya, iyaga oo doonayay inay kala qeybiyan, hayeeshee ay soo afjareen.

“ Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid ceeyriin ah oo uga fa’iideysanayeen inay kala qeybiyaan dalalka qaska uu kajiro, iyaga oo ka maqan,  balse anaga  dhankeena waaan nahay  kuwo ka Shaqeynaya xasilooni siyaasadeed ayuu yiri” Dr Abiy Axmed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed waxaa uu sheegay in Xukuumadiisa ay ka Shayeneyso xasiloonida dalka Soomaaliya oo mudd ka badan 30 sao ku jira dagaalo sokeeye.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay xiriir gar ah la laheyd Xukuumadda Abiy Axmed, taas oo siyaasiyiinta Soomaalida ay ku cambaareeyeen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo ”Waa in aan la dhageysan waxa ay noo sheegayaan Shisheeyaha”
Next articleFeysal Cali Waraabe oo ka hadlay Shirkii Dhuusamareeb ee fashilka ku soo dhamaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here