Home Wararka Caalamka Farmaajo oo la shaaciyay in Kulan Qarsoodi ah Horay ula qaatay R/W...

Farmaajo oo la shaaciyay in Kulan Qarsoodi ah Horay ula qaatay R/W yahuuda

0

Sida uu maanta daabacay Times of Israel Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa Laba jeer kulan qarsoodi ah la qaatay Ra’isul Wasaarihii Yahuuda Benjamin Netanyahu.

Kulanka 1-aad ayaa dhacay 28-dii November, 2017 waxaana uu ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya xiligaas oo Netanyagu iyo Uhuru Kenyatta ay shir la haayeen.

Kulanka kale oo isna qarsoodi ahaa isna dhacay February 2020, Farmaajo ayaana xiligaas u duulay Talaabiib waxaana la socday Balaal Cusmaan oo hadda ah ku simaha wasiirka arrimaha Dibadda xiligaasna wuxuu ahaa ergeyga gaarka ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Carbeed.

Farmaajo ayaa kala hadlay Ra’isul Wasaaraha suurtagalnimada bilaabidda xiriir toos ah oo dhex mara Soomaaliya iyo Isreal,
laakiin markii dambe qorshas waxaa taageeri waayay maamulkii hore ee Mareykanka ee Donlad Trump.

Dowladii Farmaajo ayaa lagu xasuustaa iney taageertay go’aan u hiilinaya Israel kadib markii safiirada Soomaaliya u fadhisay Geneva Faadumo cabdullaahi Maxamuud ay ka aamustay go’aankii Trump ee lahaanshiyaha Israa’iil leedahay Buuraha Golan Height.

Ad
Previous articleCiidamada NISA oo Howlgal Culus ka sameeyay Muqdisho (Sawiro)
Next articlePuntland oo Shaqa joojin ku samaysay Wasiiro ka Tirsan Maamulkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here