Home Wararka Maanta Farmaajo oo La kulmay Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxabanaan

Farmaajo oo La kulmay Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxabanaan

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xalay waqi dambe soo idlaaday la qaatay Madaxda Warbaahinta waxaana lagu soo beegay 3-da May oo ah maalinta loo gooni yeelay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulankan ka sheegay in uu dhici karo qaladaad lana soo bandhigi karo balse waxa uu dalbaday in haddii Dowladda wax ka qaldamo la weydiiyo oo fursad loo siiyo in la weydiinayo sababta ay wax u qaladay.

“Waxa aan aaminsanahay in uu jiro koboc, maalin waliba wax baa la baranayaa sida aad sheegteen oo aad qirteen in isbadal badan uu ku dhacay xiriirka aad la leedihiin Dowladda ay ka wanaagsan tahay sidii hore oo marba marka ka dambeyso la arkayo horumar, wax waliba ma dhici karto in maalin la sameeyo” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sidaas oo ay tahay qaladaad waa la geli, marka idinku naftiisa in aad madaxiina ku heysaan Dowladda idinkaa iska leh, Dowladdu cadow idin ma aha, haddii ay wax qaladana waad sheegi kartaan idinkoo siinaya fursad sababta ay u qaladay aad weydiisaan” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ad
Previous articleTaliyaha Boliiska Soomaaliya oo Amaro Cusub soo saaray
Next articleCiidamadii ka gadooday muddo kordhinta oo shuruud ku xiray inay ka baxaan Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here