Home Wararka ugu Muhiimsan Farmaajo oo Gudoomiyay Shir Hordhac ah oo xalay ka Furmay Dhuusamareeb iyo...

Farmaajo oo Gudoomiyay Shir Hordhac ah oo xalay ka Furmay Dhuusamareeb iyo Arimaha looga hadlay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedyada oo ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Maanta gelinka dambe ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa muranka hareeyay doorashooyinka.

Ad
Previous articleGalmudug oo ka hadashay hoobiyeyaasha lagu weeraray Caasimada Dhuusamareeb
Next articleAxmed Madoobe iyo Siciid Deni oo Ku soo wajahan Dhuusamareeb iyo Waqtiga Shirka Furmaya oo la ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here