Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo ka hadashay hoobiyeyaasha lagu weeraray Caasimada Dhuusamareeb

Galmudug oo ka hadashay hoobiyeyaasha lagu weeraray Caasimada Dhuusamareeb

0

Maamulka Magalada Dhuusmareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ka hadlay hoobiyeyaal khasaaro geystay oo xalay Al-Shabaab ku weerareen magaalada Dhuusamareeb xilli ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.

Afhayeenka Maamulka Magaalada Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ka jawaabeen weerarka hoobiyeyaasha ah, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Afhayeenka Dhuusamareeb ayaa sheegay in qaar kamid ah Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka hoobiyeyaasha ah ka dambeeyay ay dileen qaarna, iyaga oo dhaawac ah ay qabteen.

“ Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan ,qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda,sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii ayuu yiri” Afhayeenka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in saacadaha soo socda Warbaahinta loo soo badnhigi doono xogta howlgalka ay sameeyeen laamaha amniga Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug ayaa waxaa dhowr jeer Al-Shabaab ay ku weerareen tiro madaafiic ah, waxaana 12 sano kadib Magaalada Dhuusamareeb ay wajaheysaa xaalado amni darro.

Ad
Previous articleSawiro:- Axmed Madoobe oo ilaaladii ugu badneyd geeyay Caasimada Dhuusamareeb
Next articleFarmaajo oo Gudoomiyay Shir Hordhac ah oo xalay ka Furmay Dhuusamareeb iyo Arimaha looga hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here