Home Wararka Maanta Faahfaahin:Wararkii U Danbeeyay Xogta Wadahadalo U Bilowday Dowladda Iyo Ururka Ahlu-Suna.

Faahfaahin:Wararkii U Danbeeyay Xogta Wadahadalo U Bilowday Dowladda Iyo Ururka Ahlu-Suna.

0

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlu-Suna waljamaaca ayaa sheegay inuu socdo wadahahadal la isugu soo dhaweynayo ururkooda iyo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xassn Sheekh.

Sheekh Shaakir ma bixin faah faahin dheeri oo ah ku aadan qaabka wadahadalka iyo dhinacyada sida gaarka ah uu u dhexmarayo, wuxuuna warka kusoo koobay in dowaldii hore uu dagaal kala dhexeeyay oo mida curatay 15-kii May aaney jirin wax colaad gaara oo kala dhexeysa.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday dagaalka safka balaaran leh ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ururkooda ay ku jiraan dagaalkan, diyaarna u yihiin duulaan kasta oo ku foorara kooxda Al-Shabaab.

“Anaga dowladdii hore ayaa nagu soo duushay oo dagaal nagu soo qaaday wayna tagtay, dowladda hadda jirtana dagaal kuma nihin oo waan ku taageersanahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, anaga oo kujirna Ciidamada iyo dadka degaanka ee dagaalamaya” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo BBC-da u waramay.

 

 

Ad
Previous articleXasan Sheekh Iyo Abiye Axmed Oo Kala Saxiixday Heshiis 10 Qodob Ka Kooban Oo Xasaasi Ah.
Next articleWAR DEG DEG: Farxaan Qaroole oo la Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here