Home Wararka Maanta Faahfaahin Dheeri ah oo Kaso Baxaysa Qarax Ka Dhacay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Faahfaahin Dheeri ah oo Kaso Baxaysa Qarax Ka Dhacay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0

Warar dheeri ah ayaa laga helayaa qarax galabtai ka dhacay guriga murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaalla aagga hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ilo-wareedyo noo xaqiijiyeen  qaraxa ayaa ka dhashay qori baasuuke ah oo ka fakaday askarigii hyay, qaraxaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira dhaawaca labo qof iyo burbur soo gaaray darbiga guriga.

Markii qaraxu dhacay ayaa dadkii gudaha guriga iyo agagaarahiisa ku sugnaa ay kala carareen, waxayna ciidamada aagga ka dhawaa ay fureen rasaas aad u tiro badan, taasoo cabsi gelisay dadkii aaga ku sugnaa.

Dadka guriga ku sugnaa iyo deegaankaba ayaa maleeyay in lasoo weeraray murashaxa maadaama uu ka mid yahay kuwa ugu afka dheer mucaaradka oo shantii sano lasoo dhaafay dagaalka kula jiray madaxweyne Farmaajo.

Waxay kaloo dadku ogaayeen weerarkii horay loogu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ay fulisay xukuumaddii Xasan Kheyre, kaasi oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Kheyre ayaa markii uu dowladda ka baxay kadib raali-gelin ka bixiyey weerarkaas, balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan weli aqbalin, inkasta oo uu qiray in raali-gelin la siiyey.

Ad
Previous articleAadan Madoobe oo Magacaabistii ugu Horeeyey Sameeyey Tan iyo Markii La Doortay
Next articleDiyaarad kici rabtay oo sabab yaab leh loo joojiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here