Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo Magacaabistii ugu Horeeyey Sameeyey Tan iyo Markii La Doortay

Aadan Madoobe oo Magacaabistii ugu Horeeyey Sameeyey Tan iyo Markii La Doortay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa La-taliye sare oo arrimaha siyaasada iyo amniga ah u magacowday Maxamed Xasan Idiris.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warqadda uu ku soo saaray magacaabidaan, wuxuu xoghayaha guud ee golaha shacabka ku faray inuu u dhameystiro la-taliyaha cusub habraaca iyo meelmarinta go’aanka sida ugu haboon ee sharciga waafaqsan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa warqadaan ku sheegay in xafiiskiisu uu baahi badan u qabo la-taliyahaan, isla markaana uu Maxamed Xasan Idiris leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa hadda ah masuulka ugu sareeya dalka, waxaana hor taalla mareynta marxaladaan kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Maxamed Xasan Idiris La-taliyaha cusub ee guddoomiyaha golaha shacabka ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad oo uu kasoo galay deegaanada Koonfur Galbeed.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Ka Hadlay Geerida Xaawo Cabdi Samatar
Next articleFaahfaahin Dheeri ah oo Kaso Baxaysa Qarax Ka Dhacay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here