Home Wararka Somaliya Somaliland Edna Aadan: “Waxaan aaminsanahay in diimaha badankoodu ay isku mid yihiin,” waxayna...

Edna Aadan: “Waxaan aaminsanahay in diimaha badankoodu ay isku mid yihiin,” waxayna faraan mabaadii isku mid

0

2

Waxaa lagu qiimeeyay ku dhawaad $1.4 milyan qiimaha abaalmarintan, oo ah mid sannadle ah oo uu aasaasay samafale hore Sir John Templeton.

Waxaana la guddoonsiiyaa oo lagu sharfaa dadka ka faa’iidaysta awoodda cilmiga si ay u sahmiyaan su’aalaha ugu qoto dheer ee caalamka.

Mother Teresa, ayaa ahayd qofkii ugu horreeyey ee hesha Abaalmarinta Templeton konton sano ka hor 1973, Ednana sidaas si la mid ah waxay nafteeda u hurtay caawinta bulshada aan haysan daryeel caafimaad oo ku filan, taas oo u keentay in ay hesho saameyn caalami ah.

Dadka kale ee ku guulaystay abaalamarintan waxaa ka mid ah baadarigii reer Koonfur Afrika ee Desman Tutu, oo ku helay in uu gacan ka geystay soo afjaristii nidaamkii midab takoorka dalka Koonfur Afrika.

Maxay ku mutaysatay?

Maadaama ay ahayd umulisadii ugu horraysay ee caafimaad ee tababaran, waxa ay la dagaallantay oo wanaajisay sawirka laga haysto dhalmada iyo sheekooyinka caafimaad ee ku-tidhi-kuteenka ah, kuwaas oo aan cilmi ahaan sax ahayn.

Hay’adda bixisay abaal marinta ayaa sheegtay in ay ku mutaysatay doorkeeda ku aaddan korinta wacyiga ruux ahaaneed iyo badbaadinta jidh ahaaneed ee ay u fidisay haweenka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay inaan maamuusno Edna Aadan Ismaaciil oo ah gabadh ka faa’iidaysatey cilmigeeda diineed, saamaynta qoyskeeda, iyo waxbarashadeeda guud si ay u horumariso caafimaadka iyo horumarinta fursadaha qaar ka mid ah haweenka iyo hablaha adduunka ku tabaalaysan.” ayaa ay boggooda ku qoreen bahda John Templeton Foundation

Wax-qabadyada badan ee ay samaysay Edna waxa ka mid ah aasaaskii Jaamacadda Edna Aadan iyo Cusbitaalka Edna Aadan oo si weyn hoos ugu dhigay dhimashada hooyada iyo dhallaanka Somaliland, iyo sida oo kalena ololaheeda hagar la’aanta ah ee ay ku doonayso inay ku joojiso gudniinka fircooniga ah.

Waxa ay noqonaysaa sida ay sheegeen bahda bixisay abaalmarintani haweenaydii u horraysay ee Afrikaan ah ee ku guulaysatay abaalmarinta Templeton Prize.

Sida oo kalena waxa ay ku qeexeen bahda Templeton, in abaalmarintani tahay sida ay rumaysan yihiin tii ugu qaalisanayd ee la siiyo haweenay Afrikaan ah.

Dhanka kale, Adna Aadan oo wareysi gaar ah siisay Hay’adda John Templeton Foundation iyadoo ka sheekeyneysa taariikhdeeda iyo sida ay ku soo bilowday shaqada umulisada iyo waxyaabihii ay ka soo martay ayaa tiri:

“Waxaan ku soo jeedaa qoys isku dhaf ah, hooyadey waxay ahayd masiixiyad haysata madhabta Katooligga, aabahayna Muslim. Waxaa nagula soo barbaariyay inaan qadarino diimaha oo dhan.”

“Waxaan aaminsanahay in diimaha badankoodu ay isku mid yihiin,” Waxay faraan mabaadii’ isku mid ah sida xaqa, samafalka, naxariista, daacadnimada.

“Waxaan arkaa waxyaabo ay iskaga mid yihiin firqada Catechism ee madhabta Katooligga iyo Qur’aanka.”

Ad
Previous articleCiidamo Soomaaliyeed oo tababar aan caadi aheyn loogu soo xiray dalka Uganda (Sawirro)
Next articleFaahfaahin 4-ta qodob ee Xasan uu la wadaag madaxda Jaamacadda Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here