Home Wararka Maanta Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar aan caadi aheyn loogu soo xiray dalka Uganda...

Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar aan caadi aheyn loogu soo xiray dalka Uganda (Sawirro)

0

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka Uganda tababar ugu soo xiray urur gaar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka,kuwaas oo soo dhameestey tababar heerkiisa aad u sareeyo.

Ciidankan tababarka loogu soo xiray dalka Uganda ayaa la siiyay tababar heerkiisu sareeyo oo dhinaca dagaalka ah, waxa ayna ciidankan munaasabadda tababarka loogu soo xirayay kusoo bandhigeen dhoolatusyo cajiib ah.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Waxa uu u sheegay wasiirka ciidanka in loo tababaray sidii dalkooda iyo dadkooda uga difaaci lahaayeen cadowga, waxa uuna sheegay in ciidankan qeyb ka noqon doonaan dagaalka dalka looga sifeenayo Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawwaan ammaanka magaalada Muqdisho kusoo celisay ciidamo badan oo booliis sida milatariga u tababaran ,kuwaa oo lagu wareejiyay ammaanka caasimadda wax badana ka badalay .

 

Ad
Previous articleJeneral C/Fataax Al-Burhan oo xilka ka qaaday Jeneral Maxamed Xamdaan oo Dagaal adag Dhexmaray
Next articleEdna Aadan: “Waxaan aaminsanahay in diimaha badankoodu ay isku mid yihiin,” waxayna faraan mabaadii isku mid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here