Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Musharaxiintu ay diideen in Amniga Banaanbaxa la...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Musharaxiintu ay diideen in Amniga Banaanbaxa la sugo

0

Wasiirka amniga Xasan Xundubey ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in amniga banaanbaxa ay sugaan cid kale, isagoona sheegay in dowladda ay weli ogoshahay in mucaaradka ay banaanbax qabsadaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha la isku fahmi waayay ay qeyb ka tahay sugida amniga goobta uu ka dhacayo banaanbax oo ah Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho

Wasiirka ayaa sheegay in mucaaradka ay diideen in dowladda ay sugto amniga banaanbaxa

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay baajiyeen banaanbixii ay ku dhowaaqeen, kaasi oo loo ballansanaa in uu maalinta berri ka dhaco taallada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan isku halleyn karin ammaanka, isla markaasna dowladda ay Ciidamo badan geysay Taalada Daljirka Daahsoon oo aheyd halkii la asteeyay in banaannabaxa uu ka dhaco.

Ad
Previous articleDEG DEG: Musharaxiinta Madaxweynaha oo Baajiyay Banaanbixii La sugayay
Next articleDEG DEG: Qarax Goor dhaw Lagu weeraray Maqaaxi ku taala Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here