Home Wararka Maanta Dowladda Itoobiya oo beenisay war ku saabsanaa dowladda Soomaaliya oo Telefishinkooda laga...

Dowladda Itoobiya oo beenisay war ku saabsanaa dowladda Soomaaliya oo Telefishinkooda laga sii daayay

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadshay warbixin ay sheegeen in aysan sax ahayn oo ku jirtay barnaamij laga sii daayay TV-ga dowladda Itoobiya oo ku baxa afka ingiriisiga.

Warbixinta oo ku saabsaneed dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sii daayay Talaadadii shalay. “Warbixinta barnaamijka ku jirtay ma ahan mid ka turjumaysa siyaasadda dowladda Itoobiya waxayna hareer marsantahay xiriirka labada dowladood” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Faceboog ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya.

Warbixinta laga sii daayay Telefishinka ayaa waxyaabaha lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in fallaagada TPLF ay isku dayayso in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaadayso tallaabooyin halis ku ah danaha dowladda Itoobiya, haddii ay taasi dhacdana ay keeni karto inuu abuurmo Urur ka khatar badan Al-Shabaab, isla markaana uu ku lumin karo xulufada gobolka.

 

 

Ad
Previous articleShir lagu Dhexdhexadinayay Cismaan Xadoole iyo Masaxweyne Xasan Shiikh oo Fashil Kuso Dhamaaday
Next articleArday labadiisa Macalin ku dilay Faas iyo Mindi oo xukun adag lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here