Home Wararka Somaliya Somaliland Dowlada Soomaaliya oo Markale Laasacanood ka Soo Daad Guraysay Dhaawacyo Farabadan(Sawiro)

Dowlada Soomaaliya oo Markale Laasacanood ka Soo Daad Guraysay Dhaawacyo Farabadan(Sawiro)

0

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Sodma ayaa markii sadaxaad shalay galab waxa ay magaalada muqdisho keentay 20 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaalada culus ee ka socda Magaalada Lascanood ee xarunta gobolka Sool ee u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamada Soomaaliland.

Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS,Xildhibano katirsan labada aqal,Agaasimaha guud ee Hey’adda maareynta Masiiboyinka Qaranka,Agaasimaha waaxda cafimaadka waxaana dhawacyadaan Magaalada garowe ka soo daabulay diyarada dhawacyada sidana la socday Madaxa xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa dhawacyadaan u daabulay xarumaha cafimaadka magaalada si logu baxnaaniyo

Agaasimaha xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka Qaranka mudane Abdullahi Mohamed Abdi (Abdullahi Qaran)Magaalada garoowana ka soo qaaday dhawacyadan ayaa kawarbixiyey tirade dhawacayda galabtay magaalada muqdisho la soo gaarsiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”. Ayaa u mahadceliyey madaxda ugu sareysa hey’adda mareynta masiiboyinka oo dhawacayadan isku howlay sidii muqdisho loo soo gaarsiin lahaa

Waxaa qeybtii sadaxaad dadka ku dhaawacmay dagaalada laascaanood ee hey’adda mareynta maiiboyinka ay magaalada muqdisho soo garsiiso si loogu baxnaniyo cafimaadkooda madaama ay ku jiraan dadkaan kuwa qaba dhaawcyo culus.

Ad
Previous articleAabe Cali Ismaaciil oo lagu Dilay Maraykanka iyo Booliska Wadankaas oo War kasoo saaray
Next articleQooe Qoor oo Gudoomiye Cusub oo Markale u Magacaabay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here