Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya ayaa goor dhow Mamnuucday Banaan-baxyada Muqdisho ka dhacaya

Dowlada Somaliya ayaa goor dhow Mamnuucday Banaan-baxyada Muqdisho ka dhacaya

0

Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada wasaaradaha qaabilsan ka hortagga Cudurka Cronaviur ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay bahda Caafimaadka dalka, taas oo ku saabsan cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay Go’aano kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo la xiriira cudurka Coronavirus, oo maalmihii la soo dhaafay kiisas cusub laga helay Soomaaliya, waxaana Go’anada kamid ah.

1: In dhamaan la fasaxay Shaqaalaha dowladda marka laga reebo kuwa muhiimka u ah Shaqada.

2: In Shaqaalaha & dadka kale ay xirtaan afxirka ee ( MASKA) sidoo kalena ay badiyaan kala foganshaha.

3: In la yareeyo isku socodka dadka sida safarada, sidoo kale masaajida lagu dadaalo kala foganshaha iyo xirashada afdaboolka.

4: Dhamaan Ciidamada Ammaanka ayaa lagu amray inay fuliyaan go’aanada kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qodobka ugu muhimsan oo dadka Soomaliyeed ay isha ku hayeen ayaa ah kan ku saabsan mamnuucida isku soo baxyada maadaama Musharixiinta mucaaradka ay qorsheeyeen Jimcaha in la qabto banaanbax looga soo horjeedo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ad
Previous articleSawiro:- Madaxweynaha Galmudug oo Dhuusamareeb kula kulmay Wafdi Dowlada ka socda
Next articleSawiro:- Telefishinka Cusub ee Hirshabelle TV oo xariga laga jaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here