Home Wararka Caalamka Diyaarado Iran sameysay oo gantaalo culus ku garaacay magaalada Kyiv (Sawirro)

Diyaarado Iran sameysay oo gantaalo culus ku garaacay magaalada Kyiv (Sawirro)

0

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Kamizake ,oo ay sameesay dowladda Iran balse adeegsadaan ciidamada Ruushka, ayaa saakay duqeymo culus ku garaacay dhismayaal kuyaalla magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine  .

Qaraxyo waa weyn oo ka dhashay duqeymaha Ruushka ka wado dalka Ukraine ayaa laga maqlay magaalada Kyiv, waxaana meelaha qaar laga arkayaa qiiq iyo uuro ka baxeysa iyo dhisamayaal bur buray.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine ayaa ku eedeeyay duqeymaha inay ka dambeeyeen  diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca “kamizake drones” isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

Duqa magaalada Kyiv,Vitalii Klitschko ayaa sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha magaalada Kyiv ay qaraxyada buburiyeen, waxa uuna sheegay in Ruushka geesanayaan duqeymo arxan darro ka muuqato.

Gaadiidka gurmadka degdega ayaa gaaray goobaha duqeymaha ka dhaceen, waxa uuna duqa magaalada ugu baaqay shacabka kunool aaga la duqeenayo in ay galaan goobaha gabaadka leh .

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa isbuucii hore duqeymo culus ku garaacay magaalada Kyivc iyo magaalooyin kale, waxa ayna Ruushka kordhiyeen weerarada cirka ah ay ka geesanayaan qeybo kamid ah dalka Ukraine.

Ad
Previous articleAlshabaab oo isaga Baxay Degmo wayn oo ku Taala Shabeelada Dhexe
Next articleBaarlamaanka oo ansixiyay in Ulf Kristersson uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here