Home Wararka Caalamka Diyaaradaha Ruushka oo markii ugu horreysay Ukraine kasoo weeraray dal kale

Diyaaradaha Ruushka oo markii ugu horreysay Ukraine kasoo weeraray dal kale

0

Ciidamada Ruushka ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday Ukraine, kuwaas oo intooda badan ka imaanaya dhanka dhulka Belarus, waxaana meelaha la beegsaday ka mid ah dhismeyaal iyo saldhigyo militari.

Waana markii ugu horreysay uu Ruushka kasoo duqeeyo Ukraine isaga oo adeegsanadaya hawada Belarus, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Ukraine.

Barasaabka gobolka Chernihiv ayaa ku tilmaamay duqeymaha ka dhacay tuulada Desna kuwo aad u xooggan.

Dagaalada ayaa sidoo kale ka socda Bariga Ukraine, halkaas oo Ruushku uu isku dayayo in uu ku hareereeyo magaalada Lysychansk.

Dhinaca kale, ciidamada Ukraine ayaa lagu amray inay isaga baxaan magaalada Severodonetsk,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay magaalada waxaa ka dhacay duqeymo dhowr ah xilli ciidamada ay isku dayayaan inay qabsadaan bariga.

Ad
Previous articleWeerar lagu hoobtay oo ka dhacay caasimadda Norway ee Oslo
Next articleMadaxweynaha Dalka oo ka hadlay xuska 26 juun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here