Home Wararka Maanta Dilal ka Dhacay Magaalada Muqdisho 24saac ee lasoo Dhaafay Xili amniga Muqdisho...

Dilal ka Dhacay Magaalada Muqdisho 24saac ee lasoo Dhaafay Xili amniga Muqdisho Faraha Kasii baxayo

0

Waxaa sii kordhaya falalka amaan daro ee ka dhacaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana saacadihii lasoo dhaafay labo dil ay ka kala dhaceen xaafado katirsan degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley.

Sida aan wararka ku helnay dilka koobaad ayaa ka dhacay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana dilkaasi loo geestay askari katirsan aa ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada Gorgor.

Askarigan ayaa la sheegay in la dilay xili uu ka baxay xero ciidan uuna kusii jeeday gurigiisa, waxaana kooxo biskoolado ku hubeesan ku dileen meel aan gurigiisa ka fogeen xili uu ka degay mooto bajaaj.

Dhinaca kale kooxo burcad ah oo toorey watay ayaa xaafad katirsan degmada Dharkeenley waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Khaalid Cabdixamiid Macalin Cali, burcada ayaana wiilkan dilka kadib horey uga sii qaatay moobeel uu watay.

Falalka ammaan daro ee isugu jira dilalka iyo dhaca ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan imaanayaa xili dowlada ku mashquushay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Ad
Previous articleLafta Gareen oo Wasiiro Cusub Magacaabay kuwa Kalana Xilka Ka Qaaday
Next articleDoorashadii Hirshabeele oo uga Danbayn Bilaabayay iyo Xildhibaano Caan ah oo kusoo Baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here