Home Wararka Caalamka Dhamaadka Isbuuca oo Baraf laga Filayo Stockhom iyo Götenborg

Dhamaadka Isbuuca oo Baraf laga Filayo Stockhom iyo Götenborg

0

Khabiirka   saadaasha hawada ee SMHI ayaa saadaaliyay in magaalada Göteborg ee galbeedka dalka iyo caasimadda Stockholm uu baraf ka da’i doono dhammaadka usbuuca.

“Waxaa jiri doona baraf, laakiin intee in le’eg ayaa da’idoona lama hubo,” ayuu yiri Marcus Letalik .

Maalintii Khamiista ayaa xoogaa baraf ah ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Stockholm. Baraf badan ayaa la filayaa Sabtida soo socota.

“Tirada maxalliga ahi waxay noqon kartaa ilaa toban sentimitir,” Lietalik ayaa u sheegay raadiyaha Sweden ee P4 Stockholm.

Heerkulku wuxuu gaari doonaa eber caasimadda, laakiin qadarka baraf ee la filayo ayaa gabi ahaanba noqon doona mid aan la hubin, sida ay sheegeen khubarada saadaasha hawada.

Ad
Previous articleGalmudug oo Ku Dhawaaqday 5 Degmo oo Cusub
Next articleXisbiga Socialdemokraterna oo dhaliilay Tilaabo ay Dowlada Cusub Qaaday oo horay u balan-qaadin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here