Home Wararka Maanta Dhaliyaro Soomaali ah oo si ba,an loogu laynaayo Koonfur Afrika iyo kuwa...

Dhaliyaro Soomaali ah oo si ba,an loogu laynaayo Koonfur Afrika iyo kuwa Hor leh la Dilay

0

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya inay sii kordhayaan dilalka iyo weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniibta ah oo ay Soomaalida ku jirto ee ganacsiyada & shaqooyinka kala duwan u jooga gudaha wadankaas.

Dhibaatooyinka ugu badan ayaa waxaa haatan wajahaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh dalkaas, waxaan kordhay cabsida la xiriirta weerarada lagu hayo.

Sida ay wararka sheegayaan waxaa xalay xaafadda Khayelitsha oo ka tirsan magaala xeebeedka Cape Town lagu dilay labo dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed, waxaana dilalkooda ka dambeeyey kooxo burcad Afrikaan ah oo goobta isaga baxsaday, kadib falkaasi.

Labada wiil ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Jowhar iyo Yaasiin Cumar, waxaana goobta lagu dilay gaaray ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in halka lagu dilay dhalinyarada Soomaaliyeed sidoo kale lagu dilay laba nin oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Malawi.

Dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qayb ka noqonaya dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dhacay, waxaana 48 saac ee lasoo dhaafay dalkaas lagu dilay saddex dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabi jiray Cali Maxamed Xasan Balaakii, Cabdirashiid Axmed Sheekh Maxamuud iyo Mowliid Yare, kuwaas oo lagu dilay Magaalada Cape Town.

 

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Muqdisho si wayn loogu soo Dhaweeyey(Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaare Rooble Laga bilaayo 10:00 ee caawa Muqdisho waa Bandaw

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here