Home Wararka Maanta Deg Deg Maxkamadda sare oo diiday dacwadii Fahad Yaasiin uu gudbiyay

Deg Deg Maxkamadda sare oo diiday dacwadii Fahad Yaasiin uu gudbiyay

0

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku saabsanayd kursiga HOP086.

Maxkammadda sare waxay aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.

Go’aanka waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

Ad
Previous articleErdogan Oo Madaxweynaha israail u Sheegay Siduu uga xunyahay Weerarkii israil ku Qaaday Masjidul alaqsaa
Next articleGuddiga Doorashooyinka Oo Udigniin Adag U Diray Guddiga Doorashooyinka ee Aaday Garbahaareey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here