Home Wararka Maanta Deg Deg: Daahir Maxamud Geele oo Ka Haray Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya Sababtana...

Deg Deg: Daahir Maxamud Geele oo Ka Haray Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya Sababtana Shaaciyay

0

Daahir Maxamuud Geele ayaa Bartiisa Facebooka Ku Qoray Sidaan:

 

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha ololahayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

Musharixiin kale ayaa La Filaya inay ayaguna Ka Haraan Tartanka Beri oo ay isku Soo Sharaxeen in Ka Badan 40 Musharax.

Ad
Previous articleMusharixiinta Ugu Cadcad ee Beri ku loolami Doona Xilka Madaxweynaha Soomaaliya(Xog)
Next articleBeesha Caalamka Oo Baaq Udirtay Xildhibaanada labada Aqal ee Beri Madaxweynaha Soomaaliya Dooranaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here