DEG DEG: Ciidamada Huwanta oo La wareegay Degaanka Ceel-lahelay ee Gobalka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka ayaa gacanta ku dhigay deegaanka Ceel lahelay oo ka tirsan gobolka Galguduud iyagoo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wada Deegaannadaasi oo dhaca dhinaca bari ee Magaalada Dhuusamareeb.

Deegaanka Ceel lahelay ayaa waxa ku yaal inta u dhaxeeysay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.

Cabdifitaax Cali Xalane oo ka tirsan maamulka Deegaanka Ceel garas ayaa SONNA u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga ay su buuxda ula wareegeen Deegaanka Ceel lahelay.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyeen Ciidanka xoogga ee kooxda Argagixisada ee Al- shabaab ka dulqaaday.