Home Wararka Somaliya Puntland Deg Deg: axmed Karaash oo Ku Dhawaaqay inuu Yahay Madaxweynaha Puntland

Deg Deg: axmed Karaash oo Ku Dhawaaqay inuu Yahay Madaxweynaha Puntland

0

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Celmi Cumar (Karaash) ayaa  sheegay inuu isagu la wareegay si KMG ah xilka Madaxweynenimada Puntland kadib markii sida uu sheegay madaxweyne Deni uu galay xaalad sababeysa inuusan xilkiisa gudan karin.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili  Madaxweyne Deni uu si KMG ah ugu soo guuray magaalada Muqdisho si uu guda galo ololihiisa doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ee dhowaan la qaban doono

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY AXMED KARAASH

BAYAAMIN IYO WARGALIN.

Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.

Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka.

Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal  Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.

Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:

Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo

Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad  oo u dhigan sidan.

Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)

Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.

Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.

QODOBKA 3-aad.  Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed”

Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan  sidan;

“ Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka  maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin”

Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta  Dawladda Puntland.

Ad
Previous articleWararka ugu danbeeyay Dagaalka Ruushka ee Ukraine 21 Abriil, Ruushka oo Qabsaday Qeybo Cusub
Next articleJUBALAND oo Shaacisay kuraas Dhawaan lagu Qaban Doono Ceel Waaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here