Home Wararka Somaliya Darawal Moota Bajaaj oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Darawal Moota Bajaaj oo Muqdisho Lagu Toogtay.

0

Faah faahino ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo xaafadda Black-Sea, Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir  ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga dilka geystay iyo Darawalka Mooto Bajaaj uu soo kala dhexgalay muran kooban oo faah faahin laga helin, kadibna Askariga uu carooday, sidaasina uu rasaas xabadood ugu dhuftay Ninka.

Askariga ka tirsan ciidanka dowladda ee falkaas ka dambeeyay ayaa goobta si dhaqsi ah uga baxsaday, isla markaana waxaa halkaas tegay qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo oo qaaday Meydka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku daraaday dilalka loo geysto dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, hayeeshee waxaa xusid mudan in horey marar kala duwan loo dilay Darawalo Mooto Bajaaj.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa la hor geeyay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo si bareer ah u dilay Darawalo Mooto Bajaaj ku shaqeyn jiray, waxaana Askarta qaarkood lagu riday xukuno.

Ad
Previous articleAllaha Unaxariistee Faaduma Nakuuruma oo COVID-19 ugu geeriyootay Muqdisho
Next articleCaqabado Hor leh oo soo wajahay Dacwada Badda iyo Kenya oo Badashay…………

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here