Home Wararka Caalamka Dagaalo culus oo ka dhex qarxay Laba Dal oo ka mid ah...

Dagaalo culus oo ka dhex qarxay Laba Dal oo ka mid ah kuwa aduunka ugu Saboolsan (Sawirro)

0

Kyrgyzstan ayaa soo warisay dagaalo xooggan” oo ay la gashay jaarkeeda Tajikistan Jimcihii waxayna sheegtay in 24 qof lagu dilay dagaaladan u dambeeyay ee ka dhacay labadan dal ee horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeeti ee hore.

Labada waddan ee saboolka ah ee yar yar ee aan badda lahayn ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu dib u bilaabay dagaalka aag lagu muransan yahay, inkastoo heshiis xabbad-joojin ah uu jiray.

War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda xuduudaha ee Kyrgyzstan ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay sii wadayaan iska caabinta weerarada Tajik.

“Dhinaca Tajik, duqeymaha lagu garaacayo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Kyrgyzstan ayaa sii socda, meelaha qaarna waxaa ka socda dagaallo xooggan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Kyrgyzstan ayaa markii dambe sheegtay in 24 muwaadin la dilay 87 kalena la dhaawacay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Interfax. Ma aysan sheegin tirada dadka la laayay ee ka tirsan ciidamada.

Kamchybek Tashiev, oo ah madaxa guddiga amniga qaranka ee gobolka Kyrgyzstan, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Ruushka ee RIA, ayaa sheegay in khasaaraha milatari uu aad u badan yahay.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sameeyey ballan qaad cusub oo ka dhan kooxda Al-Shabaab
Next articleBooliiska Mareykanka oo xabsiga dhigay nin Soomaali ah oo loo heesto Dil ka dhacay Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here