Home Wararka Maanta Booliiska Mareykanka oo xabsiga dhigay nin Soomaali ah oo loo heesto Dil...

Booliiska Mareykanka oo xabsiga dhigay nin Soomaali ah oo loo heesto Dil ka dhacay Maraykanka

0

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay muwaadin asalkiisu Soomaali yahay, oo loo heesto in uu ka dambeeyay dil dhawwaan ka dhacay magaalada Mankato ee Gobolka Minnesota.

Booliiska magaalada Mankato ku xiray Bashiir Maxamed, oo 30 jir ah, kaa oo loo raadiinayay toogasho ka dhacday magaalada Mankato ee Gobolka Minnesota, waxaana ninkan lagu xiray xabsiga degmadda Blue Earth.

Dilka loo heesto ninkan Soomaaliga ayaan jirin wax faahfaahin oo booliiska ka bixiyeen, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano la xariira dilka lagu tuhmayo ninkan Soomaaliga ah.

Ninkan Soomaaliga ah ay xireen booliiska Mareykanka ayaa lagu eedaynayaa in uu toogtay nin ay is yaqaanaan oo ay guri wada joogeen, falkan dilka ah ayaana dhacay jimcihii lasoo dhaafay.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhacay dilal loo geestay dhallinyaro Soomaaliyeed ,kuwaa oo qaarkood dilalkooda lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhallinyaro kale oo Soomaali ah oo isku magaalo wada joogeen.

Ad
Previous articleDagaalo culus oo ka dhex qarxay Laba Dal oo ka mid ah kuwa aduunka ugu Saboolsan (Sawirro)
Next articleKoontaroolka Magaalada Gaalkacyo oo Maalintii labaad U xiran Beel ka mid ah Beelaha Sacad(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here