Home Wararka Caalamka Dagaalka Ukraine: Putin oo hanjabaad hor leh ka soo saaray adeegsiga hubka...

Dagaalka Ukraine: Putin oo hanjabaad hor leh ka soo saaray adeegsiga hubka nukliyeerka

0

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar kale u baaqay awoodda nukliyeerka ee Ruushka iyadoo ay sii socoto colaadda Ukraine, waxa uu sheegay in nidaamka cusub ee gantaallada ballistic-ga ee Ruushka ay tahay in cadawga Moscow ay dib u fikiraan.

Isagoo ku dhawaaqay duulaanka Ruushka ee Ukraine sideed Isbuuc ka hor, Putin wuxuu uga digay reer galbeedka in isku day kasta oo looga hortagayo “ay horseedi doonto natiijo aan la mahadin oo aan horay loo arag taariikhda adduunka”. Dhowr maalmood ka dib, wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka heegan la geliyo.

Bartamihii bishan April Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Jimcihii sheegay in caalamka uu u toog hayo suuragalnimada ah in Ruushka uu duqeyn nukliyeer ah u adeegsan doono dalkiisa.

Zelensky oo u warramay telefishinka CNN ayaa sheegay in walaac xooggan uu ku abuuray hadal uu sheegay agaasimaha CIA oo tilmaamay in Ruushka uu si xeeladaysan hubka nukliyeerka ugu adeegsan karo colaadda Ukraine.

“Ma aha mid ii gaar ah, balse waa walaac uu qabo caalamka oo dhan. Waxaa suuragal ah in xogtaas ay dhab tahay ama ay noqon karto mid been ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa bishii hore sheegay in “xiisadda Nukliyeerka, oo markii hore ahayd mid aan la qiyaasi karin, ay hadda dib u soo laabatay ay aad u sareyso suurtagalnimada ah in la adeegsado.”

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa mar sii horreysay sheegtay in Moscow ay sameysanayso laba diyaaradood oo loogu magac daray “Maalinta Qiyaamaha”, kuwaasi oo loogu tala galay in lagu qaado madaxda ugu sarreyso dalka iyo hoggaamiyeyaasha milatariga haddii dalkaasi hubka niyuukleerka lagu soo weeraro.

Wakaaladda wararka ee dalkaas Ruushka ee RIA oo soo xiganaysa ila-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada cirka iyo kuwa hawada sare ee dalkaas ay laba saldhig oo talis ah ku yeelan doonaan gudaha diyaaradda nooca Il-96-400M.

Diyaaradda Il-96-400M ayaa ah diyaaradda nooca Il-96 oo diyaarad weyn oo duulimaadyada rayidka loo isticmaalo oo la casriyeeyay. Noocyo badan oo ka mid ah diyaaraddaasi Il-96 ayaa haatan ah diyaaradda inta badan uu ku safro nadaxweyne Vladimir Putin, si la mid ah diyaaradda Air Force One ee dalka Mareykanka.

Labadan diyaaradood ayaa waxaa lagu farsameyn doonaa magaalada Voronezh, halkaasi oo ay ku taallo warshadda Voronezh Aircraft Production, taasi oo sameysa diyaaradaha rayidka iyo kuwa milatarigaba.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaarad saddexaad oo noocaasi ah la sameyn doono mustaqbalka, waxaana diyaaradahani cusub ay beddali doonaan diyaaradda nooca Il-80 oo hadda gabowday.

Ad
Previous articleGudoomiye dhabancad oo Sheegay in Ciidamada dowladu Weerareen Wacadna Ku Maray inay….
Next articleMadaxweyne Deni oo ka horyimid Wereegtooyinkii Usoo saaray Axmed Karaash

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here