Home Wararka Maanta Dagaal Ka dhacay Gudaha Garoonka Magaalada Laasacoonood

Dagaal Ka dhacay Gudaha Garoonka Magaalada Laasacoonood

0

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool laba Maleeshiyo ayey israsaaseyn ku dhexmartay Garoonka dayuuradaha ee Magaaladaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaaf dhexmaray Ganacsatada Qaadka ee xilligaasi u soo degaysay Diyaarad siday Qaad ay sababtay in labada dhinac ay isugu yeertaan Ciidan, halkaasoo is rasaaseyn ka dhacday.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay, mana jiro ilaa hadda dhimasho la soo sheegay oo ka dhalatay is rasaaseynta labada Maleeshiyo.

Laamaha Ammaanka ee Magaalada iyo Somaliland kama aysan hadlin israsaaseynta Garoonka Laascaanood maanta ku dhexmartay labada Maleeshiyo.

Ad
Previous articleKoox hubeysan oo Muqdisho ku dilay nin abuukaate ah
Next articleCiidamada Galmudug oo soo Qabtay Qamri Farabadan iyo Ragii Watay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here