Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal Culus oo Ka Dhacay Duleedka Degmada aadan yaabaal oo P.M Xamze...

Dagaal Culus oo Ka Dhacay Duleedka Degmada aadan yaabaal oo P.M Xamze booqday iyo Dowlada oo War kasoo Saartay Dagaalkaas

0

Ciidanka Xoogga dalka iyo Geesiyaasha deegaanka ayaa 28 ka tirsan  Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe, sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga dalka Gen,Maxamed Tahliil Biixi.

Ciidamada ayaa sameeyay howlgalkaan ka dib markii ay ka war heleen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isku abaabulayay tuuladaan waxaana halkaas ku gaaray jab xooggan, iyadoo wali ciidanku sii baacsanayo firxadkooda.

ALSHABAAB ayaa aad ugu jabay howlgallada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanku ka wadaan dhul ballaaran oo ka tirsan Hirshabeelle waxaana ay ku waayeen maleyshiyaad fara badan iyo horjoogeyaal muhiim u ahaa.

Ad
Previous articleGudoomiye aadan Madoobe oo si wayn Loogu Soo Dhaweeyeb Baydhabo(Sawiro)
Next articleWasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here