Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal Culus oo Goordhow ka Qarxay Gobalka Hiiraan

Dagaal Culus oo Goordhow ka Qarxay Gobalka Hiiraan

0

Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka qarxay degaanka Jicibow oo qiyaastii 30km dhanka Waqooyi kaga beegan dagmada Buule burte ee Gobolka hiiraan kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Sida wararklu sheegayaan dagaalka ayaa yimid ka kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen degaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu yahay mid xoogan oo jilbaha la isu aastay.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse aan weli laga helin faahfaahi.

Ciidamada DF iyo xoogaga degaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay todobaadyadii la soo dhaafay inta badan degaanada hoos taga gobolka hiiraan.

 

 

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo iyana digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo baxay Dowlada er Shalay
Next articleAadan Madoobe oo Safar Deg Dega Ah Ugu Ambabaxay Netherland iyo ujeedka oo la ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here