Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo iyana digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo...

Al-Shabaab oo iyana digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo baxay Dowlada er Shalay

0

Al-Shabaab ayaa jawaab adag ka bixisay amarkii kasoo baxay dowladda Somalia ee warbaahinta madaxa banaan looga mamnuucay baahinta wararka ka soo baxa kooxdaasi.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa warbaahinta madaxa banaan looga digay inay fuliyaan go’aanka dowladda, waxayna ku goodisay iney beegsan doonaan warbaahin kasta oo fulisa amarkan.

“Warbaahintii ka tegta dhex-dhexaadnimada waxaan u aqoonsan doonaa inay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro mujaahidiinta u taagan shareecada islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab

Go’aanada iska soo horjeedo ee ka soo kala baxay dowlada iyo Al-shabaab ayaasaameyn adag ku yeelan doona shaqada warbaahinta gudaha.

Dowlada Somalia ayaa dagaal dhinaca warbaahinta kula jirtay Al-shabaab saacadihii la soo dhaafay, waxaana la xiray inta badan barihii internetka ee Al-shabaab ay ku baahin jirtay wararka ay gaarsiinayaan bulshada iyo kuwa dacaayadaha ee la xiriira dagaalka

 

 

Ad
Previous articleWasiirka Amniga Oo Odowaa Iyo Xijaar Kala Hadlay Dar Dar Gelinta Dagaalka Shabaab.
Next articleDagaal Culus oo Goordhow ka Qarxay Gobalka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here