Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo Galabtay Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceeldheere iyo Saraakiil...

Dagaal Culus oo Galabtay Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceeldheere iyo Saraakiil Sare oo Alshaaab oo Lagu Dilay

0

Ciidamada dowlada iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta dagaal culus ku qaaday Shabaab-kii ku sugnaa dhowr deegaan oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa iska cabin adag kala kulmay Al-Shabaab waxaan la dilay xubno ay ku jiraan saraakiil oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo dhowr deegaan laga xoreeyey kooxda.

Cabdifitaax Xasan Gaafow oo ka tisanaa saraakiisha Al-Shabaab ee aagga Ceeldheer ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalkii galabta, iyadoo lasoo bandhigay meydkiisa.

Deeganada  kala ah, Baraag-xasanleey, Maalin-cadaawe iyo Baraag Sheekh Cabdullaahi oo dhamaantood hoos taga Ceeldheer ayaa galabta laga saaray Al-Shabaab.

“Maanta waxaan Khawaarijta ka furanay hub, waana leynay, dadka deegaanadaan waxaan ka codsaneynaa inay ka fogaadaan meelaha ay Khawaarijtu joogto, kama hareyno sidaan ayaan meydadkooda u wari doonaa, isku soo dhiiba dowladiina, hadaa nolol rabtaan,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Daa’uud Gacamey ayaa sidoo kale mid mid magacyadooda u sheegay hubnaha ka soo jeeda deegaanka ee hoggaaminaya Shabaab-ka aaggaas ka dagaalamaya, saraakiisha kooxda looga dhaawacay dagaalkii galabta waxaa ka mid ah guddoomiyihii kooxda ugu magacaawnaa degmada Ceeldheer.

Dhammaan deegaanadii lagu dagaalamay waxaa si buuxda caawa gacanta ugu haya ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo galabta dagaal adag kula wareegay.

Ad
Previous articleGalmudug oo Qaaday Talaabo soo Dadajinaysa in Alshabaab Deg deg looga Saaro Guud ahaan Galmudug
Next articleWeerar loo Adeegsaday Mindi oo ka dhacay Dalka Germalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here