Home Wararka Maanta Cumar Cabdirashiid”Siyaasiiyiinta Wainay Dhexdhexaad Ka Noqdaan Xiisada PSF iyo Deni ee Bosaaso”

Cumar Cabdirashiid”Siyaasiiyiinta Wainay Dhexdhexaad Ka Noqdaan Xiisada PSF iyo Deni ee Bosaaso”

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaarke ayaa siyaasiyiinta Puntland ugu baaqay inay dhexdhexaad ka noqdaan xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.

Cumar Cabdirshiid oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Twitterka ayaa sheegay in Isimada gobolka looga dambeeyo xalka xiisadda ka taagan Boosaaso ee u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Ciidanka PSF.

“Wafdigii isimada ee nooga fara dhuubnaa arrinka daraf kama noqon mowqifkii Isimada Bari ay qaateen, sidoo kalena marjaca Siyasadeed inuu dhex dhexaad ku ekaado ayey ahayd si berri xalka ay usoo dhaweeyan”. ayuu yiri Cumar Cabdirishiid oo ka hadlay sababta uu ku diiday bayaankii siyaasiyiinta Puntland

Hadalka Cumar Cabdirishiid ayaa ku soo aadaya xilli aan weli xal laga gaarin xiisadda maamulka Puntland iyo Saraakiisha PSF, iyadoo siyaasiyiinta iyo isimada maamulka ay isku khilaafeen xal u helida khilaafka.

 

Ad
Previous articleGudiga Biladaha Caalamiga ah Nobel price oo Digniin Culus udiray Abiya Axmed
Next articleXubin Sare oo alshabaab ka Tirsanaa Oo kenya aad u Doondoonaysay ayaa Ugu Danbayn Laqabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here