Gudiga Biladaha Caalamiga ah Nobel price oo Digniin Culus udiray Abiya Axmed

billada Nobel-ka ee Norway ayaa ku biiray codadka caalamiga ah ee ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socday dalkaas kaasoo galaaftay nolosha kumanaan qof.

Qoraal ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 – ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.

Afhayeenka Abiy Ahmed Billen Seyoum ayaa horay u sheegay in abaalmarinta nabadda ee Nobel aysan ahayn xakame qabanaya marka dalka la soo weeraro

Hal sano ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkaa dheeraa ee dalkiisa kala dhexeeyey Eritrea, Mr Abiy waxa uu diray ciidamo la dagaalama falaagada waqooyiga gobolka Tigray.