Home Wararka Maanta Cumar Cabdirashiid oo Sheegay ina laga Been abuuray Bayaankii Xalay aysoo...

Cumar Cabdirashiid oo Sheegay ina laga Been abuuray Bayaankii Xalay aysoo Saareen Madaxdii Hore ee Puntland

0

Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa shaaciyey inuusan waxba kala socon qoraal la sheegay iney wadajir u soo saareen isaga iyo madaxdii hore ee Puntland.

Qoraalkan oo ay ku saxiixnaayeen  Madaxwayneyaashii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo C/wali Gaas iyo weliba Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayey kaga horjeesteen go’aanadii Isimadii 5-ta ahaa kasoo saareen xalka xiisadda hay’adda PSF ee ka taagneyd Boosaaso.

Hase ahaatee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in qoraalkan aan lagala tashan.

“Bayaan loo qaybiyey warb2aahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oran. Waxaan cadayn inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn Bayaankan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsana. Bosaso Dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah” ayuuu yiri Cumar C/rashiid oo qoraal kooban ku soo daabacaday boggiisa Twitterka.

Ad
Previous articleMusharaxiinta oo ka hadlay Banaanbixii baaqday iyo Fariin loo diray Cali yare cali
Next articleKoonfur Galbeed oo Shaacisay Qaarka Mid ah Xildhibaano Dhawaan la Dooran Doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here