Home Wararka Maanta Ciidmada Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo Bandhigtay Burcad shacabka dhac u...

Ciidmada Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo Bandhigtay Burcad shacabka dhac u gaysan jiray

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Odan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku qabteen laba Nin oo la sheegay inay ahaayeen Burcad.

Raggaan oo Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdifitaax Cali Cumar & Nuur Cali Xasan ayaa laga Qabtay agagaarka Albaraka ee degmada Hodan, iyaga oo ku hubeysnaa Bustoolado.

Labadan ruux ee loo haysto Burcadnimada ayaa watay Gaariga nooca raaxada ah, waxaana saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ay sheegeen inay dadka shacabka ah mobeelaa ka dhici jireen.

Dadka ku nool magaalada ayaa maalmihii la soo dhaafay ka cabanayay dhac baahsan, iyada oo xalay howlgal Cidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Xaafaso ka tirsan degmada Kaaraan kusoo qabteen rag ku hubeysnaa qortaha AK47, kuwaaw oo dadka Shacabka dhac u geysan jiray.

Ad
Previous articleXildhibaano ka Tirsan Galmudug oo garab istaag ugu Tegay Ciidamada Galmudug ee Wisil ku sugan (Sawiro)
Next articleDowladda Mareykanka oo xaqeejisay in Ciidmaadii Somaliya ee Eleteriya Loo Diray ay itoobiya Gudaha ugaleen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here