Home Wararka Caalamka Ciidanka Ruushka oo duqeyn Ku Xasuuqay Magaalada Zaporizhzhia (Sawirro)

Ciidanka Ruushka oo duqeyn Ku Xasuuqay Magaalada Zaporizhzhia (Sawirro)

0

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine, ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay gantaalada Ruushka uu ku garaacay koonfurta bari ee magaalada Zaporizhzhia,

Tobaneeyo kale ayaa dhaawacmay, waxaana burburay dhismayaal dhowr ah oo la dego, halka qaarkoodna uu dab ka kacay

Magaalada waxaa gacanta ku haysaa Ukraine, balse waxa ay ka mid tahay gobol uu Ruushku sheegay inuu la wareegay bishii hore.

Zaporizhzhia ayaa si isdaba joog ah loo garaacay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Ruushka uu dib ugu bilaabay magaalooyinka ka dib markii uu guuldarrooyin kala kulmay koonfurta iyo waqooyi-bari ee Ukraine.

Buundada ayaa sidoo kale calaamad u ah ka go’itaankii Ruushka ee Crimea ee Ukraine 2014. Qaraxa kadhacay bundadaasi ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, sida ay sheegeen baarayaal Ruush ah. Saraakiishu waxay sheegeen in si degdeg ah loo bilaabi doono ka shaqaynta hagaajinta qaybaha burburay.

Ad
Previous articleCiidanka Liyuu Boolis oo hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Gobolka Bakool.
Next articleCabdikariin Buux oo ka Hadlay Halka ay ku Danbaysay acagihii laga uruuriyey musharaxiinta xiligii doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here