Home Wararka Maanta Ciidanka Liyuu Boolis oo hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Gobolka...

Ciidanka Liyuu Boolis oo hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Gobolka Bakool.

0

Ciidanka Gaarka ah ee dowlad Degaanka Soomaalida (Liyuu Boolis) ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay xaduudka Degaanka uu la wadaago Soomaaliya dhinaca Gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidamada liyuu Boolis ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadaan dhulka dowlad degaanka Soomaalida iyo qaraxyo laga cabsi qabo inay fuliyaan

Waxaay sheegeen inay adkeeyeen amniga xaduudka u dhaxeeya dowlad degaanka Soomaalida iyo dhinaca Gobolka Bakool, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay maalmo ka hor degaanka Yeed ee Gobolka Bakool, halkaasoo tuulooyin u dhow ay Ciidanka liyuu Boolis sheegeen inay la wareegeen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kala Diray Laba GUdi oo Farmaajo Horay U dhisay
Next articleCiidanka Ruushka oo duqeyn Ku Xasuuqay Magaalada Zaporizhzhia (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here