Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheesan oo lagu dilay xubno katirsan Al...

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheesan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Koofur galbeed, ayaa saakay howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool.

Howlgalkan ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in lagu dilay labo xubnood oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Masuulkna katirsan Maamulka Bakool ayaa sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka ah weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Al Shabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab , waxa ayna sheegeen in dhawwaan howlgalo Al Shabaab ka dhan ah laga fulinyao gobolka Bakool oo meelo badan ka joogaan Al Shabaab.

Degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde oo katirsan gobolka Bakool ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka , waxa ayna ciidankan doonayaan in go’doominta ka qaadaan Degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.

Ad
Previous articleKu Dhawaad 600 oo ka mid ahaa taageerayaasha Qatar u tagay Koobka Aduunka oo qaatay diinta Islaamka
Next articleAmiirka Qatar oo Heshiisiiyay Madaxweyne Erdogan, Al Sisi iyo Madax kale (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here