Home Wararka Maanta Amiirka Qatar oo Heshiisiiyay Madaxweyne Erdogan, Al Sisi iyo Madax kale (Sawirro)

Amiirka Qatar oo Heshiisiiyay Madaxweyne Erdogan, Al Sisi iyo Madax kale (Sawirro)

0

Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar waxaa shalay ka bilowday ciyaaraha koobka adduunka, waxaana munaasabada furitaanka ciyaarahaasi ka qeyb galay madax kala duwan oo caalamka ka kala socotay.

Munaasabadda waxaa ku sugnaa inta badan madaxda Carabta iyo kuwa dalalka Islaamka, waxaana madaxda munaasabadda ku sugnaa qaarkood ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo sababay in sannado aysan is arag xiriirka dalalkoodana uu xumaado.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa ku guuleestay in uu kulan siiyo uuna gacmaha isku galiyo qaar kamid ah madaxdii munaasabadda isku arkay oo horey xiriirkoodu u xumaa , kuwaa oo iyaga oo faraxsan gacmaha is galiyay.

Madaxda Amiirka kulansiiyay ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Masar Cabdifitaax Al-Sisi, labadan madaxweyne ayaa sannado badan is arag, waxaa sidoo kale ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo saameeyay xiriirka labada dal.

Doxa waxaa sidoo kale isku arkay oo gacmaha is galiyay Madaxweyne Erdogan, Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, Boqorka Jordan iyo  Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraatka Carabta .

Dalka Qatar ayaa sannadkan marti galinaya koobka adduunka ee shalay furmay, waxaana dalkaasi shalay u aheyd maalin weyn oo taariikhi ah, waxaana dalkaasi isugu tagay madax kala duwan iyo dad magac iyo mansab ku leh caalamka.

Ad
Previous articleCiidanka Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheesan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab
Next articleNEWS Diyaarad Xalay Ka Dagi Weysay Garoonka Garoowe Oo Dib Ugu Soo Laabatay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here