Home Wararka Somaliya Puntland Ciidamadan gadoodsan oo xirteen aagga xaruntay madaxtooyada Puntland ee Garowe

Ciidamadan gadoodsan oo xirteen aagga xaruntay madaxtooyada Puntland ee Garowe

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Puntland, halkaas oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee ku taalla gudaha magaalada Garoowe.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa waddada gashay madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulkaasi, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada careysan oo dhex dagay bartamaha wadada oo ay ka galeen dhufeysyo xoogan.

Sidoo kale ciidamada ayaa waddada ku gooyey Tekniko dagaal iyo dhagaxaan, taas oo keentay in gebi ahaan uu istaago dhaq-dhaqaaqa guud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada gadoodka sameeyay ay ka tirsan yihiin ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Puntland, kuwaas oo mushaaraadka ay ka maqan yihiin dhowr bilood oo xiriir ah, taas oo keentay inay cabashadood asoo bandhigaan.

Ad
Previous articleCiidamada Suudaan oo ka baxay heshiiskii xabbad joojinta
Next articleKhadar Faroole oo ka hadlay cidda bixisay Amarkii loogu diiday in Muqdisho u dhuufo Xili Garowe lagu Xayiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here