Home Wararka Maanta Ciidamada Suudaan oo ka baxay heshiiskii xabbad joojinta

Ciidamada Suudaan oo ka baxay heshiiskii xabbad joojinta

0

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Sudan ay hakiyeen ka qeyb galka wadahadalada xabad joojinta ah ee ay la galayaan kooxaha ka soo horjeeda.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Arbacadii in ciidanku ay qaateen go’aanka “sababtoo ah fallaagada ayaan waligood fulin hal qodob oo ka mid ah qodobbada xabbad-joojinta muddada gaaban ee u baahan in ay ka baxaan isbitaallada iyo dhismayaasha la dego, waxayna marar badan ku xad-gudbeen. xabbad joojin”.

Ilo dublamaasiyadeed oo Suudaaniyiin ah ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters kusoo war geliyay ka bixitaanka ciidanka ee wada-hadallada xabad-joojinta jilicdasan kaas oo looga gol lahaa in lagu fududeeyo gaarsiinta gargaar bani’aadanimo ee dadka rayidka ah.

Ciidamad Suudaan iyo kuwa kasoo hor jeeda Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaan midkoodna ka hadlin ka bixitaanka heshiiska ee la sheegay. Wadahadallada ayaa billowday horraantii bishii Maajo waxaana laga soo saaray baaqyo ku aaddan ilaalinta rayidka iyo laba heshiis xabbad-joojin oo muddo gaaban ah oo si isdaba joog ah loo jebiyey.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in lagu kordhiyo heshiis xabbad joojin ah oo toddobaad ah, shan maalmood uun ka hor inta aan la gaadrn dhicitaankii heshiiska. Xabbad-joojintan ayaa waxa dhexdhexaadinayey Sucuudiga iyo Maraykanka, kuwaas oo sheegay in ay labada dhinac ogolaadeen in gargaar la gaadhsiiyo dad lagu qiyaasay laba milyan oo qof inkasta oo ay jiraan xad gudubyada ay labada dhinacba geysanayaan .

Ad
Previous articleKaydkii Hubka ee Ugu Waynaa Alshabaab oo Qarax Baabiyay
Next articleCiidamadan gadoodsan oo xirteen aagga xaruntay madaxtooyada Puntland ee Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here