Home Wararka Maanta Ciidamada Xooga oo Gargaar Gaarsiiyay Meelo laga Xoreeyey Alshabaab(Sawiro)

Ciidamada Xooga oo Gargaar Gaarsiiyay Meelo laga Xoreeyey Alshabaab(Sawiro)

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha lagula dagaalayo argigixisada Al-shabaab ayaa haya howlo qaran oo taariikhi ah iyaga oo gacanna garab ku siinaya shucuubta kala duwan sidii loo xoreyn lahaa deegaannadooda ay argigixisadu cunaqateysay halka gacan kalana ay mucaawino iyo gargaar ku qeybinayaan meelaha la xoreeyey si loo daryeelo dadka ay isku biirsadeen abaarta iyo dhibaatooyinka ay muddo dheer ku hayeen Al-shabaab.

Ciidamada qalabka sida oo mar qura gulufka baacsiga argigixisada ka wado deegaanno ku yaallo maamullada dalka sida Galmudug, Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland ah ayaa la arkayaa iyago oo gargaar iyo adeegyo kale gaarsiinaya deegaannada la xoreeyey taas oo soo afjartay cunaqabateynta, meesha ka saareysa baaddii ay qaadi jirtay argigixisada isla markaana keeneysa in ay dib ugu soo laabtaan deegaannada dadkii ku barakacay dalka gudahiisa iyo kuwii qaxootinnimmo u galay dalalka dariska.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta guluf lagu soo afjarayo argigixisada Al-shabaab, laguna adkeynayo qaran iyo dowlad dhiska, nabadd iyo xasiloonida, sahlayana baahinta maamullada iyo weliba adeegyada kala duwan ee ay dadka helaan.

Ad
Previous articleGanacsade Kasoo jeeda Degmada Cadaado oo Goordhow lagu Dilay Muqdisho
Next articleTirada deegaanada ee Al-Shabaab laga qabsaday 24-kii saac ee lasoo dhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here