Home Wararka Somaliya Puntland Ciidamada Booliska oo Gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Faarax Jibriil...

Ciidamada Booliska oo Gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen

0

Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen, oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku jiray baxsad, kaddib markii uu geestay dil.

Taliska ciidamada booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya shacabka ku guuleesteen in ay soo qabtaan gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen oo Dil u geestey Marxuum Mohamed abdirashiid Abdirahman Tariikhda Markay ahayd 11 /11/2022 .

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in ninka dilka geestay hadda ku jiro gacanta booliiska, waxa uuna cadeeyay in ay u gudbinayaan hay’adaha caddaalada si ninkaasi xukun loogu rido.

G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo dil geesata ama ku kacda falal ammaanka lidi ku ah, waxa uuna shacabka ugu baaqay in booliiska la shaqeeyaan.

 

 

Ad
Previous articleMataane Isku Dheggan Oo Cabasho Ka Keenay Mushaarka Hal Qof Oo Ay Qaataan
Next articleDagaal Qaraar oo Saakay Ka Dhacay Duleedka Degmada Aadan Yabaal iyo Maydad Farabadan oo Ka Tirsan Alshabaab oo lasoo Dhoobay aadan yabaal(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here