Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada amaanka Baladweyne oo Toogtay 2 kamid ah Alshabaab oo Sarkaal ku...

Ciidamada amaanka Baladweyne oo Toogtay 2 kamid ah Alshabaab oo Sarkaal ku Dilay Magaaladaas.

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay loogu geystay magaalada Beledweyne sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska HirShabelle oo lagu magacaabi jiray, Axmed Xasan Biriq.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale toogasho lagu dilay laba ka mid ah raggii ka dambeeyey dilka sarkaalkaasi, kuwaas oo ay israsaaseeyeen ciidamada ammaanka.

Saraakiil ka tirsan booliska Beledweyne ayaa sheegay in labada nin ee la dilay ay ku hubeysnaayeen bistoolado iyo bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dad kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka Axmer Biriq.

Ammaanka Beledweyne ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid liita, waxaana ugu dambeeyey dil loo geystay mid ka mid ah nabadoonada ku dhaqa  magaaladaasi.

Beledweyn ayaa waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, iyadoo maagalada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle oo iska kaashanaya sugidda amniga.

Ad
Previous articleGuri uu ku jiray Madaxweynaha Dalka Ukrain oo La Duqeeyeey(Sawiro)
Next articleOdayaasha Soo Xulaaya ergada Dooranaysa kuraas Gaalkacyo Beri lagu Dooranaayo oo la Shaaciyay iyo Hal kursi oo Dib loo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here