Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo Go,aan lama Filaan ah ka Qaatay Kuraastii Taalay Baladweyne

Cali Guudlaawe oo Go,aan lama Filaan ah ka Qaatay Kuraastii Taalay Baladweyne

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah musharixiita u tartameysa kuraasta taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Musharixiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Amniga, Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale..

Dhammaan musharixiintan ayaa la wadaagay hoggaanka HirShabelle cabasho ay ka qabaan doorashada ka socota Beledweyne, iyaga oo sheegay in musharixiin gaar ah loo xiray kuraasta.

Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ku dhowaaqay in tartanka uu noqon doono mid furan, wuxuuna tilmaamay in kuraasta harsan si siman ay ugu baratami doonaan musharixiinta.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid gaar ah oo ay wadato HirShabelle, sidaas daraadeedna wuxuu ka dalbaday musharixiinta inay ilaaliyaan xasiloonida amniga.

Kulankan ayaa daba socda dhaq dhaqaaq ciidan oo laga dareemay Beledweyn, kadib markii ay soo galeen ciidamo taabacsan qaar ka mid ah musharixiinta cabaneysa.

Ad
Previous articleFarmaajo oo la Sheegay inuu Badalay Magicii Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya iyo Dood ka Dhalatay arintaas
Next articleMadaxweynihii Hore ee Koonfurgalbeed oo loo Diiday inuu baydhabo usafro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here