Home Wararka Maanta Cali Cabdirisaaq Maxamuud oo Maalmo kadib meydkiisa Saakay Lahelay

Cali Cabdirisaaq Maxamuud oo Maalmo kadib meydkiisa Saakay Lahelay

0

Waxaa saakay xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan laga helay meydka wiil dhallinyaro ah oo la sheegay in badda soo tuftay, wiilkan ayaana maalmihii lasoo dhaafay waxaa baadigoob ugu jiray eheladiisa.

Wiilkan meydkiisa la helay oo lagu magacaabo Cali Cabdirisaaq Maxamuud ayaa badda qaaday maalintii talaadada xilli uu ku dabaalanayay xeebta Liido, waxaana war iyo wacaal laga waayay tan iyo maalintaasi badda qaaday.

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Kaaraan ayaa gaaray xeebta Kawaan Bari ee laga helay meydka wiilkan dhallinyarada ah, ciidamada ayaana meydka wiilkan ku wareejiyay eheladiisa oo goobtaasi tagay.

Xeebta Liido dhallinyaro badan oo ku dabaalaneysay ayaa marar badan waxaa qaaday biyaha badda, waxaana inta badan la sheegaa in dhallinyarada qaarkood iyaga oon dabaal aqoon in haddana galaan badda taasina ay dhibaato kala kulmaan.

Ad
Previous articleBoqorka Malaysia ayaa yiri: Waxaan ka baqayaa anniga oo aan tegin Somalia inaan dhinto
Next articleMaxaa ka jira iyo Madax furasho loo haysto Askartii Tababarka Loogu qaaday Eritrea ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here