Maxaa ka jira iyo Madax furasho loo haysto Askartii Tababarka Loogu qaaday Eritrea ?

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlayey Telefishinka Somali Cable ayaa ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen marti kala duwan oo lagu casuumay barnaamijkaas oo ah mid falan-qeyn ah.

Cabdikariin Cali ayaa wax laga weydiiyey dhalinyarada ku maqan oo ay ka taagan tahay dood culus, maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in loo heysto in $50 milyan.

Afhayeenka oo ka jawaabayey arrintaasi ayaa beeniyey, wuxuuna ku tilmaamay wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo laga leeyahay dano siyaasadeed.

“Soomaaliya, Uganda ciidan ayaa loogu tababaray, oo Masar waa loogu tababaray, oo Sudan waa loogu tababaray, Turki waa lagu tababaray, xittaa Yurub saraakiil qaar loo qaaday way jiraan, Ameerika ragbaa loo qaaday, weli miyaad aragtay askari Soomaaliyeed oo la leeyahay lacag ayaa loo heystaa?” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada qaranka.