Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakur oo Ilhaan Cumar iyo Dowlada Maraykanka Hal Arin ugu Mahadceliyay

Cabdiraxman Cabdishakur oo Ilhaan Cumar iyo Dowlada Maraykanka Hal Arin ugu Mahadceliyay

0

Ergeyga madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo bini’aaadannimada Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay Xildhibaan Ilhan Omar oo aqalka Congresska Mareykanka ku metesha Minnesota.

Ergeyga ayaa Xildhibaan Ilhan iyo dowladdeeda Mareykanka uga Mahad celiyay garabsiinta ummadda Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen, isaga oo si gaar ah u xusay deeq 55 Malyuun ah oo dowladda Maraykanku deeqda Soomaaliya ugu kordhiyeen dhibaatada abaarta darteed, taas oo si gooni ah ay dedaal dheeri ah ugu bixisay Xildhibaan Ilahan.

Intaas kadib waxa uu ergeygu ka dalbaday Xildhibaan Ilhan in ay labanlaabto gacansiinta dadkeeda Soomaaliyeed, iyada oo codsigiisa ka warcelineysana waxa ay Xildhibaan Ilhan ballan qaadday in ay gacan ka geysato ka dhex ololeynta gudaha dowladda Mareykanka iyo sidoo kale dowladaha kale ee gacanta ka geysan kara arrimaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale xustay in ay qayb ka qaadan doonto isku duwidda Soomaalida Mareykanka iyada oo Soomaalida ku tilmaantay dad ku wanaagsan iskaalmeynta.

Ergeyga iyo Xildhibaan Ilhaan oo isku bogaadiyay dedaalka ay ku bixinayaan Gurmadka dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan ayaa ku ballamay wada shaqayn iyo kulamo kale oo ay rajeynayaan in ay dalka iyo debeddaba ka dhacaan.

Ad
Previous articleXamaas oo soo bandhigtay Muuqaalka Askari Israa’iili ah oo gacantooda ku jira (Sawirro)
Next articleRa’isul Wasaaraha Cusub oo Maanta si RASMI ah u Shaqa bilaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here